Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Suuqa Bakaaraha

Ciidanka Booliska ayaa saakay gudaha u galay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyagoona ka sameeyay hawlgalo amni xaqiijin ah.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeysay qaybo ka mida suuqaasi ayaa u xirnaa lacago la sheegay in Daacishta Somaliya ay ku soo rogtay inay bixiyaan qaar ka mida ganacsatada suuqaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladda Suuqa Bakaaraha ay caadi tahay, amnigeeduna uu sugan yahay, waxa uu intaasi ku daray in Ciidanka Booliska ay dhex jooggaan, isla-markaana uu suuqu furan yahay.

Waxa kaloo uu sheegay in ganacatada qaarkood ee laga yaabo inay cabashada qabaan, ay tahay inay la soo xiriiraan, oo ay la soo wadaagaan Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa hoosta ka xariiqay inaanan la aqbali karin in goob ganacsi oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha loo xiro amar aan ahayn midka dowladda.

Afhayeenka ayaa ku hanjabay in dowladdu ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo isku dayda in amar ka soo baxay cid kale ay ku xirto goobahooda ganacsi.

Ganacsatada qaarkood ayaa laga soo xigtay in lacagaha ay Daacish soo weydiisatay ay culeys ku yihiin, xilli ay bixinayeen canshuuro ay siiyaan Dowladda Federaalka iyo Al Shabaab, isla-markaana aanay bixin karin canshuurta ay iminka ka dooneyso Daacish.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com