Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub Mareykanka ee dalka, Amb. Larry André.
Safiirka Mareykanka ayaa nuqul ka mida waraaqaha aqoonsiga ee danjirenimo ku wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda.
“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacawday Somaliya, Mudane Larry André.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Twitter-ka.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa 15-kii bishii April ee sanadkii hore waxa uu Larry Andre u magacaabay inuu noqdo Danjiraha xigga ee Mareykanka u joogga Somaliya.
Bishii December, Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa codka kalsoonida siiyay Danjiraha cusub, ka dib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee aqalkaasi uu goluhu horgeeyay magacaabidiisa.
Larry oo 60 jir ah ayaa xilka kala wareegaya Danjiraha uu muddo xileedkiisu dhammaaday waa Donald Yamamoto.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com