Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi oo shaaciyay jadwalka kuraas hor leh

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa maanta soo saaray jadwalka 8 ka mida doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddiga ayaa musharaxiinta kuraastaasi iyo ergada wax soo dooraneysaba ku wargeliyay in ay u diyaargaroobaan diiwaangelinta maalmaha ku xusan jaantuska hoose.

Kuraasta jadwalkooda la shaaciyay ayaa kala ah #HOP270, #HOP271, #HOP218, #HOP226, #HOP269, #HOP268, #HOP267 iyo #HOP236.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com