Magacyada: 5 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Baydhabo (SAWIRRO)

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada 5 ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Xildhibanaada maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo ayaa ahaa siyaasiyiin cusub, oo u badan dhallinyaro, iyadoona aan dib loo soo dooran Xildhibaanadii horey ugu fadhiyay kuraastaasi.

Kursiga 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP159 ayaa waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Maxamed Barre Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Isaaq, waxaana 72 cod ku guuleystay Maxamed Barre Maxamuud.

Kursiga #HOP175 ayaa waxaa ku tartamay Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur iyo Aadan Maxamed Ibraahim, waxaana 70 cod kursigaasi ku hantiyay Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur.

Kursigii xigay oo ahaa #HOP188 ayaa waxaa ku loolamay musharaxiinta kala ah Maxamed Cabdi Maxamed iyo Cabdisamad Aadan Isaaq, iyadoo uu Maxamed Cabdi Maxamed ku guuleystay codad dhan 73 cod.

Dr. Cabdulqaadir Sheekh Cali Barako iyo Maxamuud Abuukar Khayre ayaa ku tartamay kursigii 4aad oo tirsigiisu ahaa #HOP177, kaas oo 75 cod uu ku hantiyay Dr. Cabdulqaadir Sheekh Cali Barako.

Kurisgii ugu dambeeyay oo tirsigiisu ahaa #HOP185 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed, ka dib markii uu helay 71 cod, halka musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Nuur maxamed uu helay 24 cod.

Tani ayaa kuraasta Golaha Shacabka ee lagu doortay Magaalada Baydhabo ka dhigeysa 29 kursi, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed, Nuuradiin Ibraahim Aadan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com