Maxkamadda Gobolka Banaadir oo diiday in Emirate-ka loo celiyo lacagtii laga qabtay

Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu faray Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle in aan laga saari karin khasnadda dowladda lacag si sharci-darro ah dalka ku soo gashay.

Cabdikhadar Maxamed Xasan, Gudoomiyaha Maxkaamdda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay baaritaan ku waddo lacagta laga qabtay dalka Emirate-ka Carabta, go’aana ay ka soo saari doonto.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii bishan sheegay in lacagtaasi oo cadadkeedu ahaa 9.6 milyan oo dollar dib loogu celin doono Dowladda Emirate-ka, ha yeeshee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka soo horjeestay.

Ciidamada Dowladda ayaa bishii April ee sanadkii 2018 lacagtan ku qabtay Garoonka Aadan Cadde, ciidamada ayaana lacagtaasi kala degay diyaarad ka timid dalkaasi. Safaaradda Emirate-ka Carabta ee Muqdisho ayaa lacagtani ku sheegtay mid loogu talagalay mushaarka Ciidamada Somaliya ee Emirate-ku tababarayay.

Qoraalka Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu soo beegay, xilli Ra’iisal Wasaare Rooble uu maanta safar ugu ambabaxay dalkaasi Emirate-ka Carabta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com