Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray dalka Emirate-ka Carabta (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Abu Dhabi ee Xarunta Wadanka Emirate-ka Carabta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magaaladaasi kulamo kula leh Madaxda Dowladda Emirate-ka Carabta, iyadoona uu safarkiisu daaran yahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sidii horumarin lahaa.”

Rooble ayaa dhawaan bilaabay dadaalo uu dib ugu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dowladood, oo sanadihii ugu dambeeyay gaaray meeshii ugu hooseysay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com