Sababta Shabaab u gubeen tuulooyinka Mareerey iyo Mukay-dheere

Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab uu laba kun oo qoys ku khasbay inay guryo la’aan noqdaan, ka dib markii ay dab qabad-siiyeen tuulooyinkii ay ku dhaqnaayeen qoysaskaasi, kuwo kalena ay ka soo barakaceen guryahooda, ka dib dagaalo ka dhacay tuulooyinkii ay deganaayeen.

Xoogag ka tirsan Shabaabka ayaa Jimcihii gubay tuulada Mukay-dheere, halka gelinkii dambe ee Sabtidii shalayna ay gubeen tuulada Mareerey. Tuulooyinkan waxay labaduba hoos-taggaan Degmada Balcad.

Qoysaskan ayaa gaaray Degmada Balcad, halkaasoo ay xaalad adag oo nololeyd ay ku haysato, inkastoo Maamulka Degmadaasi uu sheegay in dib u dejin kmg ahi ay u sameeyeen.

Qaasim Cali Nuur (Furdug), Gudoomiyaha Degmada Balcad ayaa sheegay in qoysaskan ay eersadeen soo dhaweyn ay maalmo ka hor tuulooyinkaasi ugu sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka, xilli ay kala wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib uga baxay tuulooyinkaasi, kuna laabtay xeryahooda ayaa keentay in Shabaabku ku soo laabtaan tuulooyinkaasi, dabadeedna ay dab qabad-siiyaan, sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Balcad.

Hawlgalka Ciidanka Xoogga Dalka ka sameeyeen tuulooyinka Mukay-dheere iyo Mareerey ayaa qayb ka ahaa hawlgalo Shabaabka lagula dagaalamayay oo ciidamadu ka sameeyeen tuulooyinka Yaaqle, Jameeco, Shaalow, Dhagaxow, Damaleey, Kooreebe iyo Wargaab.

Gudoomiyaha Degmada Balcad ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay inay ogaadaan in Shabaabku yihiin cadow guud, oo la dirirsan jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Marka hore waxaan u tacsiyadaynayaa ummaddii dhibaatada ka soo gaartay cadowgaas nabadiidka ee Khawaariijta ah, tuulooyinka kala ah Mukay-dheere iyo Mareerey. Wax walba waa qaddar Alle waa inay dadka ku samraan, ayna ogaadaan dadka dhibaateynaya ee Khawaariijta ah inaysan bani’aadam u asxaan faleynin, aysan dowlad iyo nidaam keliya la dirirsanayn ay la dirirsan yihiin jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha oo BBC la hadlay ayaa tilmaamay in barakacayaasha soo gaaray degmadiisa aanay ka soo barakicin labadaasi tuulo oo qura, balse ay jiraan tuulooyin kale oo dadkii deganaa lagu dul dagaalamay, una soo barakacay dhanka Degmada Balcad.

“Barakaca marka laga hadlo labadaasi tuulo oo keliya kuma koobno, tuulooyin kale oo laga soo barakacay ayaa jira oo dagaalo ka dhaceen, oo aanan dab gaarin, laakiin lagu dul dagaalamay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale waxaa uu xusay in qoysaskaasi ay si ku-meel-gaar ah u dejiyeen Iskuulka Imaamu Nawawi, haddana ay wadaan qorshe ay ugu rarayaan laba xero, oo ay u diyaariyeen.

“Dadkaasi labada kun ee qoys ku dhow anagaa hayno oo maamulka ayay u yimaadeen intooda badan, iskuul la yiraahdo Imaamu Nawawi ayaa dejinay, raashiinkoodii ayay maamulka iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kafaalo qaadeen, haddana waxaan rabnaa inaan u qaybino laba xero oo sameynay, oo la yiraahdo Gargaar 1 iyo Gargaar 2 inay kala deggaan.” Ayuu yiri Qaasim Furdug.

Dhanka kale dad rayid ah ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay intii Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgaladu ka wadeen tuulooyinkaasi hoos-tagga Degmada Balcad, oo 30km u jirta Caasimadda Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu dhaliilaa in hawlgalo ay askar kaga dhimanayso kula wareegaan deegaanada Shabaabku maamulaan qaybtood, misena waqti kooban gudahood ay dib uga soo baxaan deegaanadaasi, tiiyoo aad arkayso in si degdeg ahi Shabaabku ugu soo laabanayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com