Cumar Filish oo kormeeray dhismaha Waddada Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray dhismaha ka socdo Waddada Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Dhismaha waddadan oo qayb ka mida la dayactiray ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dhismaha waddadan ay baahi weyn u qabeen bulshada isticmaasha waddadaasi.

“Dhismaha waddadan ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen bulshada isticmaasha waddadaasi, madaama markii hore uu ka muuqday burbur xoogan, hase ahaatee Maamulka Gobolka Banaadir oo ka jawaabay codsiga dadweynaha ayaa Waddada Jaziira dib u dhisay.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com