Dad badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Mandhera (SAWIRRO)

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax waddada dhinaceeda la dhigay oo maanta haleelay gaari bas ahaa, oo ku sii jeeday Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Gaariga oo ka ambabaxay deegaanka Carabiya, kuna sii jeeday Magaalada Mandhera ayuu qaraxan ku haleelay deegaanka Cumar Jilicow, oo 8km u jirta Magaalada Mandhera, waana meel ku dhow xuduudda Somaliya iyo Kenya.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta Kenya u sheegay inay maqleen rasaas, ka dib markii uu qaraxu burburiyay gaarigaasi.

Booliska Kenya ayaa sheegay in 13 qof ku dhimatay qaraxaasi, tiro kalena ay ku dhaawacantay, inta badan dhibane-yaasha la geeyay Isbitaalka Guud ee Mandhera.

Madaxa Caafimaadka ee Mandhera, Dr. Cabdi Macalin ayaa goor sii horeysay sheegay in la soo gaarsiiyay meydadka 7 qof iyo dhaawaca 13 kale.

Bruno Shioso, Afhayeenka Booliska Kenya ayaa sheegay in lagu dabo jooggo lix nin, oo la tuhunsan yahay inay weerarkaasi gaysteen.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Waqooyi Bari, Bunei Rono oo isna hadlayna waxaa uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen nin ay tuhunsan yihiin in uu kooxdaasi ka mid ahaa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse hay’adaha amniga ee Kenya ayaa waxay si dhow ula xiriirinayaan Ururka Al Shabaab.

Safaaradaha Jarmalka iyo Faransiiska ee Magaalada Nairobi ayaa toddobaadkii hore ka digay in weeraro argagixiso muwaadiniintooda lagula bartilmaameedsan karo magaaladaasi, inkastoo Taliska Booliska Kenya uu xilligaa meesha ka saaray suurtagalnimada weeraro argagixiso, oo xilligan ka dhici kara Caasimadda Nairobi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com