Dil labaad oo ka dhacay Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Muqdisho

Dhallinyaro iska soo kala abaabushay laba xaafadood oo ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay galabta ku dagaalameen degmadaasi, ayna sababtay geerida nin dhallinyaro oo ka mid ahaa garab ka mida labadaasi kooxood.

Ciidanka Booliska ee Degmada Kaaraan ayaa la sheegay inay caawa baadi-goobayaan dhallinyaradii ku lugta laheyd dilka ninkaasi dhallinyarada ah.

Xasan Cali Ciise oo ka mid ah dhallinta degmadaasi ayaa Dhacdo.com u sheegay in degmadooda ay ku soo badaneyso dhallinta dagaalameysa.

“Horta muddo billo ah dhacdooyinka ciyaal weerada way ku soo badanayeen Degmada Kaaraan. Maanta oo ugu dambeysay mid ka mida dhallinyarada ciyaal weerada ayaa lagu dilay xaafadda Xaajiyo Culumo. Waa laba ciyaal weero oo ka kala yimid xaafadaha Telefishinka iyo Buurka Diikow oo ka tirsan Degmada Kaaraan.” Ayuu yiri Xasan Cali.

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Ciidamada Booliska oo yimid goobta wax ka dhaceen ayaa ka qaaday meydka wiilkii la dilay, waxayna caawa wadaan hawlgalo lagu baadigoobayo labadii kooxood ee ciyaal weerada ahaa.”

Xasan Cali ayaa intaasi ku daray “Dhallinyaradii Degmada Kaaraan waxaanba u malaynayaa inay waasheen, waxay isku dilayaan kooxo kooxo, iyagoo isku adeegsanaya mindiyo, faasas iyo biro.”

10-kii bishii November, rasaas ay Booliska Kaaraan ku kala eryayeen dhallinyaro is tuuryeynaysay ayaa sababtay geerida laba ka mida Shaqaalaha Nadaafadda ee Gobolka Banaadir. Shaqaalahan oo watay gaari ay qashin kaga qaadeen magaalada, kuna sii jeeday duleedka degmadaasi si qashinka ugu soo daadiyaan ayaa dhexda uga soo dhacay rasaastii ay booliska ridayeen.

Dilka galabta ka dhacay degmadaasi ayaa ku soo aadaya, xilli rag bastoolado ku hubeysnaa ay maanta Suuqa weyn ee Kaaraan ku dileen askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com