Dil qorsheysan oo maanta ka dhacay Degmada Kaaraan

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa maanta dil qorsheysan ka gaystay Suuqa weyn ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ka dibna ay u suurtagashay inay ka baxsadeen suuqaasi.

Raggan ayaa suuqaasi ku dhex toogtay askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir, oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Geeddi.

Wararka ayaa sheegaya in askarigaasi ay ka qaateen qori AK47 iyo booshkiisa oo uu watay, ka hor intii aanay ka baxsan suuqaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dembiile-yaasha ay ku baxsadeen mooto bajaaj u taalay mid ka mida wadooyinka soo gala suuqaasi.

Goobjoogayaashu waxay kaloo sheegeen in raggaasi ay xaalad argagax leh ka abuureen suuqaasi, oo xilligii dilka ay ka gaysanayeen uu mashquul badani ka jiray.

Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa ku warantay in mintidiinta ay weerar abaabulan ka fuliyeen Suuqa Kaaraan.

Dilalka kooxaha bastooladaha ku hubeysan ka gaysanayaan Caasimadda Muqdisho ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay aad ugu soo badanayay magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com