Guddiga Doorashada Galmudug ayaa caawa soo saaray liiska Odayasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee lagu wado inay soo xulaan ergada soo dooraneysa 3 ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP139, #HOP051 iyo #HOP049, waxaana la filaya in doorashadoodu lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.
Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si dardar leh uga socoto Magaalooyinka Dowlad Goboleedyada iyo Caasimadda Muqdisho, waxaana illaa iyo hadda la doortay in ka badan 80 Xildhibaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com