Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayay maanta ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle, iyadoona 6 kursi lagu soo doortay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta lagu doortay Magaalada Jowhar ayaa horey uga tirsanaa Baarlamaanka Federaalka, kuwaa oo 3 ka mida ay haween yihiin.
Doorashadu waxay u muuqatay mid aan xiiso badnayn, marka aad eegto in musharaxiinta qaarkood ay isaga harayeen tartanka.
Xildhibaanada dib loo soo doortay ayaa kala ah Maxamed Cumar Ceymoy, Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale), Maxamuud Maxamed Jimcaale, Farxiyo Maxamuud Dhaqane, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Dahabo Suusow Maxamed.
Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa waxay sheegeen inay dardargelinayaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda laga soo dooranayo maamulkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com