Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooggo Magaalada Abu Dhabi ayaa maanta kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Emirate-ka Carabta ahna Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, Mohammed bin Rashid Al Maktoum.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaasi.
“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisal Wasaaraha dalkaas, Mudane Maxamed bin Rashid Al Maktoum oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Xiriirka labada dowladood ayaa sanadihii ugu dambeeyay aad u xumaa, Rooble ayaase dadaal ugu jira, sidii uu dib ugu soo celin lahaa xiriirkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com