Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Magaalada Jowhar kula kulmay 6-dii Xildhibaan ee shalay lagu doortay magaaladaasi.
Xildhibaanadan oo kala ah Maxamed Cumar Ceymoy, Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale), Maxamuud Maxamed Jimcaale, Farxiyo Maxamuud Dhaqane, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Dahabo Suusow Maxamuud ayaa dib loogu soo doortay xubinimadoodii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Xildhibaanadan qado sharaf ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Jowhar.
Xildhibaanadan oo noqonayo kuwii ugu horeeyay ee Hirshabelle lagu doorto ayuu Madaxweynuhu ugu hambalyeeyay dib u doorashadooda, isagoona kula dardaarmay inay ka shaqeeyan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com