Maxkamad Ciidamada Puntland oo xukuno adag ku riday xubno Shabaab ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku xukuntay dhallinyaro lagu helay inay ka tirsan yihiin mintidiinta Al Shabaab.

Dhallinyaradan oo lix xubnood ahaa ayaa la sheegay inay isku shabakad ahaayeen, iyadoona afar ka mida xukun dil ahi lagu xukumay.

Maxkamadda ayaa ku heshay inay dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dhallinyarada dilka lagu xukumay ayaa kala ah Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aadan Muuse.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Cabdikhani Farxaan Cabdullaahi ku xukuntay 30 sano oo xabsi ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com