Rooble oo la kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Emirate-ka Carabta

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Abu Dhabi kula kulmay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Emirate-ka Carabta, Shakhbout bin Nahyaan.

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta gurmadka Emirate-ka Carabta ee dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Rooble ayaa dadaal ugu jira, sidii uu u hagaajin lahaa xiriirka labada dowladood, oo sanadihii ugu dambeeyay xumaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com