Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Chad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay dhiggiisa dalka Chad, Mahamat Zene Cherif.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iyaga oo sidoo kale is weydaarsaday aragtiyo ku aaddan dib u habaynta Ururka Midowga Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com