3 Xildhibaan oo lagu doortay Magaalada Garoowe (SAWIRRO)

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta dib uga bilaabatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Kursigii 1aad ee lagu tartamay oo tirsigiisu ahaa #HOP192 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Faarax Nuux iyo Ruweyda Maxamuud Maxamed, waxaana 91 cod ku guuleystay musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux.

Kursigii 2aad ayaa waxaa ku tartamay laba hablood, oo lagu kala magacaabo Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Fardowsa Maxamed Aadan.

Sahra Cabdullaahi Cigaal ayaa ku guuleysatay kursigan oo tirsigiisu ahaa #HOP094, ka dib markii ay heshay 87 cod, halka Fardowsa Maxamed Aadan ay heshay 3 cod oo keliya.

Kursigii 3aad oo aan lagu tartamin ayaa waxaa ku guuleysatay gabar lagu magacaabo Farxiyo Yuusuf Cumar, markii ay tartanka ka tanaasushay Nimco Cumar Cabdi.

Ergada oo qaab gacan-taag ah codka kalsoonida ugu qaaday Farxiyo Yuusuf Cumar ayaa waxay ku guuleysatay dhammaan codadkii ergada oo 101 xubnood ka koobnaa. Kursiga ay Farxiyo Yuusuf ku soo baxday ayaa ahaa #HOP121.

Dhowr kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Garoowe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com