6 kursi oo maanta lagu doortay Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta lagu doortay 6 ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee maanta lagu doortay Magaalada Garoowe ayay saddex ka mida yihiin haween.

Xildhibaanadan ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Faarax Nuux, Cabdixakiin Maxamuud Maxamed, Daa’uud Cabdikariin Cumar, Sahra Cabdullaahi Cigaal, Farxiyo Yuusuf Cumar iyo Khadra Axmed Maxamed.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si dardar leh uga socoto Magaalooyinka Dowlad Goboleedyada iyo Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com