Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee G/waqooyi

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka, isaga oo sidoo kale ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo gala Gobolada Waqooyi.

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa 98 cod ku hantiyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP269, ka dib markii ay tartanka doorashada isaga hartay gabar lagu magacaabo Buuxo Maxamed Cismaan, oo lagu waday inay kursigaasi kula tartanto.

Ergadii goobta ku sugneyd ayaa haa ugu codeysay in Cabdiraxmaan Maxamed Cumar uu ka mid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waa kursigii 4aad ee maanta doorashadiisa lagu qabto Magaalada Muqdisho, isla-markaana aan lagu tartamin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com