Ina Boqore oo ku soo laabtay Golaha Shacabka

Cadnaan Cismaan Cilmi (Boqore) ayaa noqday Xildhibaankii 3aad ee maanta dib loogu soo doorto xubinimadiisa Golaha Shacabka, ka dib markii uu ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP236.

Musharax Xildhibaan Farxaan Cabdullaahi Cali ayaa ka tanaasulay doorashada, taasoo dhabaha u xaartay in codad badan uu ku soo baxo Xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi.

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay in Cadnaan Cismaan Cilmi uu helay 99 cod, ka dib markii ergada ay qaab gacan-taag ahi ugu codeysay.

Cadnaan Cismaan ayaa bishii April ee sanadkii 2019 ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka, ka dib dilkii aabihii Ex Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore loogu gaystay Magaalada Muqdisho, waxaana uu xilligaa ku guuleystay kursigii uu aabihii ka geeriyooday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com