Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Mohamed bin Zayed Al Nahyan

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii waxa uu Magaalada Abu Dhabi kula kulmay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna Kuxigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Emirate-ka Carabta, Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Kulanka Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay Mohamed bin Zayed iyo shacabka dalkiisa soo dhaweynta wafdigiisa iyo sidoo kale doorka dowladdiisa ee Somaliya, gaar ahaan gurmadkii ay dhawaan soo gaarsiisay shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhankiisa, Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ayaa Ra’iisal Wasaare Rooble uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Somaliya ay ku cambaareysay weeraradii Xuuthiyiinta Yemen ay la beegsadeen goobo ku yaala magaalo madaxda dalkaasi ee Abu Dhabi.

Sidoo kale kulanka ayay uga wada hadleen arrimo dhowr ah, oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labada dowladood.

Xiriirka labada dowladood ayaa xumaaday sanadkii 2018, ka dib markii Villa Somalia ay Xukuumadda Abu Dhabi ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com