Saynab Maxamed Caamir oo dib ugu soo laabatay Golaha Shacabka

Saynab Maxamed Caamir ayaa maanta dib loogu soo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo ka socoto Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye ayay Saynab Maxamed Caamir ku guuleysatay kursiga #HOP267, markii ay u tanaasushay gabar lagu magacaabo Sucaado Muumin Maygaag.

Intaasi ka dib ergadii wax dooraneysay oo codka kalsoonida u qaaday Saynab Maxamed ayaa waxay heshay codad dhan 97 cod.

Saynab Maxamed ayaa ku soo baxday kursigii 2aad ee maanta doorashadiisa lagu qabto Caasimadda Muqdisho. Kursigii ka horeeyay oo tirsigiisu ahaa #HOP268 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com