Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho, iyadoona qorshuhu yahay in dhowr kursi lagu doorto.
Kursigii 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP268 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa, ka dib markii uu tartanka doorashada ka tanaasulay musharaxii lagu waday inuu la tartamo oo lagu magacaabo Axmed Muumin Waaliye.
Ergada oo qaab gacan-taag ah ugu codeysay Maxamed Cali Xagaa, oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka ayaa helay 98 cod.
Wasiir Xagaa ayaa horey ugu fadhiyay kursiga maanta uu hantiyay, waana Wasiirkii 2aad ee Xukuumadda ka tirsan ee dib loogu soo doorto xubinimadiisii Golaha Shacabka. 22-kii bishii January Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumeysiga & Khayraadka Badda ayaa dib loogu soo doortay kursigii uu ku fadhiyay, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Garoowe.
Doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ayaa ka socoto Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com