4 kursi oo maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

4 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Cabdisamad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka ayaa ku guuleystay kursigii 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP139, ka dib markii ay doorashada ka tanaasushay Xamdi Cali Shire, oo ahayd gabadhii keliya ee kursigaasi kula tartameysay.

Kursiga 2aad oo tirsigiisu ahaa #HOP049 oo afar musharax ay ku tartamayeen ayaa waxay codadka u kala heleen Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow 68 cod, Cabdullaahi Cabdi Guutaale 21 cod, Jamiilo Cali Xayle 5 cod iyo Cabdinuur Ciise Xiirey oo aan waxba helin. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaana difaacday kursigan oo horey uu ugu fadhiyay.

Kursigii xigay oo tirsigiisu ahaa #HOP051 ayaa waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Xuseen Maxamed Nuur iyo Maxamed Geeddi Cawaale, iyadoo Xuseen Maxamed Nuur uu helay 81 cod, halka Maxamed Geeddi Cawaale uu 14 cod helay.

Kursigii ugu dambeeyay oo tirsigiisu ahaa #HOP061 ayaa waxaa ku guuleystay musharax lagu magacaabo Dayax Axmed Cumar, ka dib markii uu tartanka ka tanaasulay musharax kale oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Abuukar Cabdi.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug, Maxamed Daahir Guuleed ayaa natiijada kuraastan kaga dhawaaqay hoolka Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com