Wasiirka Diinta & Awqaafta Somaliya ahna Gudomiyaha Guddiga Abaaraha Qaranka, Cumar Cali Rooble iyo xubno uu horkacayo ayaa maanta booqday Xarunta Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kula kulmeen Danjiraha Turkiga ee dalka, Amb. Mehmet Yilmaz.
Wasiirka ayaa la wadaagay Safiirka warbixinta xaaladaha abaaraha ee guud ahaan dalka iyo baahida degdegga ah ee loo qabo helidda kaalmo bani’aadanimo oo wax ku ool ah.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Turkiga taageeradooda ay had iyo jeer siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.
Wararka ayaa sheegaya in Safiirka uu ballanqaaday in codsiga Dowladda Federaalka uu si degdeg ahi ugu gudbin doono Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha arrimaha bani’aadanimada ka shaqeeya ee dalkiisa.
Dhanka kale Wasiirka Diinta & Awqaafta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka gaystaan wax ka qabashada abaaraha ku sii baahaya dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay inaysan dadku fahamsanayn amaba ku baraarugsanayn heerka ay taagan tahay abaarta iyo waxyeelada ka dhalatay, isagoona bulshada ka codsaday inay mudnaanta koobaad siiyaan u gargaaridda dadkooda.
Somaliya ayaa abaaraha ku soo noqnoqday waxaa u sii dheer dagaalka soddonka sano ka socda, fatahaado iyo koran-korada ayaxa ee mararka qaarkood cagta marinaya dalagyada beeraha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com