Qoorqoor oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska iyo Kuxigeenka Safiirka Mareykanka

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster iyo Kuxigeenka Safiirka Mareykanka, Colleen Crenwelge.

Qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu diblomaasiyiintaasi kala hadlay xaaladda abaareed ee ka jirta Galmudug.

“Madaxweynaha iyo diblomaasiyaantan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u dambeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Somaaiya, gaar ahaana xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u gaysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan Beesha Caalamka, kaas oo ku saabsan, sidii abaaraha wax looga qaban lahaa.”

Deegaanada Soomaalida ayaa laga soo sheegaya inay ku sii faafayaan abaaraha, iyadoona aad mooddo in qaylo-dhaanta ay isa soo tareyso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com