Ra’iisal Wasaare Rooble oo maanta dalka ku soo laabtay

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib booqasho dhowr cisho qaadatay, oo ay ku soo jooggeen dalka Emirate-ka Carabta.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo intii uu joogay dalkaasi kulamo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaasi ayaa socdaalkiisu ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee labada dal, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Emirate-ka Carabta, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaasi, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobo kale, oo khuseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dowladood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com