Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey

Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah la yeeshay Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya iyo xubno ka tirsan Hay’adda UNDP.

Wasiirka ayaa kala hadlay dardargalinta iyo mideynta dadaalada ay wadaan deeq-bixiyaasha, sida gaarka ah u taageera Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka ee dalka.

Iyada oo la eegayo xiriirka iyo iskaashiga bahda Cadaaladda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ee joogga Somaliya, gaar ahaan kuwa taageera Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka ayaa la isla gartay in la jibaaro dadaalada lagu tayeynayo Hay’adaha Caddaaladda ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com