Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo lagu qaban doono doorashada kuraas ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Baraawe waa deegaan doorashada 2aad ee Koonfur Galbeed, marka laga soo taggo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wafdiga maanta gaaray Degmada Baraawe ayaa waxaa hoggaaminayay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabdulqaadur Maxamed.
Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa 28-kii bishii hore ee January iclaamiyay 13 kursi, oo sida ay sheegeen lagu dooran doono degmadaasi.
29 kursi oo ka mid ah kuraasta laga soo dooranayo Koonfur Galbeed ayaa la fahamsan yahay in illaa iyo hadda lagu doortay Magaalada Baydhabo.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com