3 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

3 ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ayaa maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Doorashada oo lagu qabtay Dugsga Tabababarka Booliska ee General Kaahiye ayaa kursigii 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP226 ayaa waxaa ku guuleysatay Maryan Maxamed Ciise, ka dib markii ay u tanaasushay Khadiijo Cali Warsame.

Kursigii xigay oo ahaa #HOP218 ayaa waxaa 98 cod ku guuleystay musharax Xildhibaan oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, markii uu tartanka ka tanaasulay musharax kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen.

Kursigii 3aad oo tirsigiisu ahaa #HOP270 ayaa waxaa tartanka ka tanaasushay Muno Axmed Diiriye, taasoo dhabaha u xaartay in Cabdiwahaab Cabdi Cumar uu kursigaasi ku hanto codad dhan 97 cod.

Kuraas hor leh oo ka tirsan kuwa Gobolada Waqooyi ayaa maalmaha soo socda la filayaa lagu doorto Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com