Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay doorashada kursiga Mahad Salaad & Cali Yare isku hayaan

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa galabta shaaciyay qabashada 8 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Jadwalka Guddiga Doorashada Galmudug ayaa lagu yiri “Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu shaacinayaa qabashada 8 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.”

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP025, #HOP147, #HOP040, #HOP137, #HOP048, #HOP138, #HOP053 iyo #HOP081.

Doorashada kuraastan ayaa la qaban doonnaa 13-ka iyo 14-ka bishan, sida lagu sheegay jadwalka guddiga.

Kursiga uu sumadiisu yahay #HOP147 waa midka uu ku fadhiyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, waxaana haatan kula tartamaya Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

Tartanka kursigan ayaa mooddaa in isha lagu wada hayo, maadaama labadaasi nin ay kala taageerayaan Madaxtooyada Qaranka iyo Midowga Musharaxiinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com