Guddiga Doorashada Hirshabelle soo saaray liiska odayaasha soo xulaya ergada 2 kursi

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray liiska Odayasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 2 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP115 iyo #HOP070, waana kuraastii labaad ee doorashadoodu lagu qabanayo Hirshabelle, tan iyo intii Isniintii ay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ka bilaabatay maamulkaasi.

31-kii bishii January 6 kursi oo 3 ka mida ay dumar ku soo baxeen ayaa lagu doortay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com