Tirada kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay (AKhriso)

Ka dib Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 9-kii bishii January lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si dardar leh Magaalooyinka Dowlad Goboleedyada iyo Caasimadda Muqdisho uga socda Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorashada oo gaabis badan uu hareeyay billihii November iyo December ayaa mashquulkeeda la dareemay wixii ka dambeeyay 15-kii bishii January, ka dib markii la muddeeyay in doorashada lagu soo geba-gabeeyo inta u dhaxeyso 15-ka January illaa 25-ka bishan February.

Maanta oo ugu dambeysay waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada 3 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi.

Tani ayaa kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 105 kursi, oo lagu kala doortay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb iyo Garoowe.

Kuraasta ugu badan ayaa lagu kala doortay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, halka Puntland iyo Jubbaland min 15 kursi lagu doortay.

Golaha Shacabka oo 275 xubnood ka kooban ayaa waxaa la filayaa in kuraasta harsan doorashadooda lagu soo geba-gabeeyo muddadii lagu heshiiyay.

Dhanka kale marka aad fiiriso qoondada haweenka (Boqolkiiba soddon) ee Golaha Shacabka waxaa muuqata in gaabis uu ka jiro. 105 kursi oo la doortay waxaa dumar ka ah 22 oo keliya.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa toddobaadkii hore qiray in caqabad ka jirto dhanka qoondada haweenka, isaga oo sababtana ku sheegay odayaasha beelaha oo doonaya in rag oo keliya ku metelaan Baarlamaanka Federaalka.

Guddiga xaqiijinta ee qoondada haweenka ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada ku cadaadinaya meelmarinta ballanqaadkoodii ahaa inay xaqiijin doonaan qoondada haweenka daneynaya inay iska dhex arkaan siyaasadda dalka.

Caasha Geelle Diiriye oo xubin ka ah Guddiga xaqiiinta ee qoondada haweenka ayaa mar sii horeysay sheegtay in arrinta qoondada haweenka ay doorashadan ka cuslaan doonto middii 2016, xilligaa oo sida ay sheegtay ay fursado badan jireen.

Doorashadii sanadkii 2016 ayay haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka ka heleen qoondo dhan boqolkiiba afar iyo labaatan.

Saamiga haweenka ee Golaha Shacabka ayaa la bilaabay xilligii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, markaas oo la dejiyay siyaasadda ah in haweenku ay kuraas go’an ku yeeshaan golahaasi.

Ka hadalka qoondada haweenka ee Baarlamaanka Federaalka waa mid sanadahaanba ku soo badaneysay dhegaha dadka Soomaaliyeed, taa oo doodo ka dhex dhalisay bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com