Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo aan la garanayn muddada uu jooggi doono Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in kulamo gaar gaar ah uu magaalada kula qaadan doono dhinacyo kala duwan.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne, ka dib muddo sanad iyo dhowr bilood oo laga hortaagnaa imaanshihiisa magaalada.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in kulamo uu la qaadan doono Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada, uuna ka dhageysan doono xaaladda guud ee gobolka.
“Inta aan Magaalada joogo waxaan kulamo la qaadan doonaa Maamulka Gobolka kan Degmada oo aan ka dhageysan doono xaaladaha guud ee Gobolka iyo tan Magaalada Beledweyne annagoo og abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabelle.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale sheegay in kulamo kale uu la yeelanayo Odayaasha Dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha bulsahda, isla-markaana uu wada hadal ku xalin doono tabasho kasta oo jirta.
“Sidoo kale waxaan kulamo la qaadan doonnaa duubabka, nabadoonada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo tabasho walba aan ku xalin doono wada hadal.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.
Inkastoo xaaladda Beledweyne ay degan tahay, haddana dadka deegaanka ayaa ku sheegaya inay ka baqdin qabaan dagaal ka dhaca magaalada, maadaama ay jiraan xoogag ka soo horjeeda imaanshaha Madaxweynaha oo maantaba hoobiyeyaal ku garaacay aagga Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com