Madaxweynaha Hirshabelle oo ugu dambayn tegay Beledweyne (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada iyo bulshada qaybteed.

Ciidamada Dowladda ayaa si weyn u adkeeyay amniga Magaalada Beledweyne, ciidan isugu jira Gorgor iyo Haramcad ayaana la dhigay waddada isku xirta Bartamaha Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif. Sidoo kale waxaa istaagay isku socodkii gaadiidka, iyadoona uu hakad galay ganacsigii magaalada.

Maleeshiyo ka soo horjeedda imaanshaha Madaxweynaha ayaa hoobiye-yaal ku garaacay aagga Garoonka Ugaas Khaliif, mana jirto cid wax ku noqotay, illaa iyo hadda inta la ogyahay.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa markii dambe loo gelbiyay Xarunta Maamulka Gobolka, halkaasoo uu kula hadlay dadkii ku soo dhaweeyay magaalada.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda soo dhaweyntiisa ka sheegay in uu diyaar u yahay in uu la hadlo cid kasta oo tabasho qabto, isla-markaana ay ka qancin doonaan, sida uu yiri.

Madaxweyne Guudlaawe ayay sanad iyo dhowr bilood ku qaadatay tegistiisa Beledweyne, ka dib markii qabaa’ilada deegaanka ay qaarkood ka soo horjeesteen imaanshihiisa, ka gadaal markii ay ka horyimaadeen hannaankii lagu soo doortay 11-kii bishii November ee sanadkii 2020.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com