Madaxweynaha Somaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ghana (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 35aad ee Midowga Afrika waxa uu ka wadaa Magaalada Addis Ababa, isagoona galabta la kulmay Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo.

Villa Somalia ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, ayna isla qaateen in si buuxdo isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo ay Madaxweyneyaashu isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Somaliya iyo Ghana.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ee Facebook.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com