Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Madaxweynaha Zambia

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaalada Addis Ababa kaga qaybgelaya Shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka Zambia, Hakainde Hichilema.

War lagu daabacay barta Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma danaha labada dowladood ee Somaliya iyo Zambia.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay Shirka Midowga Afrika ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin guulaha ay dowladdiisu la gaartay la dagaalanka kooxaha argagixisada.

“Argagixisada Al Shabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaalada iyo cududda aan kaga hortegayno dhibaatada argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Farmaajo ayaa yiri “Somaliya waxa ay sanadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Al Shabaab, waxa ayna taasi keentay in Somaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com