Qoorqoor oo Safiirka Turkiga uga warbixiyay saamaynta abaaraha

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Turkiga ee Somaliya, Amb. Mehmet Yilmaz.

Madaxweynaha ayaa Danjiraha Turkiga kala hadlay saamaynta abaaruhu ku yeesheen bulshada & deegaanada Galmudug iyo sidii Dowladda Turkiga gacan uga gaysan laheyd gurmadka wax looga qabanayo saamaynta abaarahaasi.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay saamaynta abaaraha ku yeelatay bulshada iyo deegaanada Galmudug iyo sidii Dowladda Turkiga gacan uga gaysan laheyd dadka iyo duunyada ay saameysay.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Magaalada Muqdisho ka wada kulamo uu la qaadanayo diblomaasiyiinta shisheeye, ee markaasi uu uga warbixinayo saamaynta ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com