Rooble oo qaabilay Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Britain (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskisia Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergayga Dowladda Britain u qaabilsan ka hortagga macluusha iyo arrimaha bani’aadanimada, Nick Dyer.

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu Nick Dyer kala hadlay, sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed, ee ay abaartu saameysay.

Rooble ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka Nick Dyer ay kulanka ku wehlineysay Kate Foster, oo ah Safiirka Britain ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com