Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Somaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Adeegyada Mashaariicda (United Nations Office for Project Services).
Wasiirka ayaa Tim Lardner kala hadlay qodobo ay ka mid yihiin fududaynta shaqada UNOPS ee Somaliya, isku-duwidda iyo la jaanqaadida qorshaha horumarinta qaranka ee NDP-9 (National Development Plan).
Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Qorsheynta ayaa lagu sheegay in la xoojiyay isku-duwidda iyo la jaanqaadka qorshaha horumarinta ee qaranka.
Tim Lardner ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay “Waxaan rajeynaynaa inaan sii wadno xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta dhow ee aan la leenahay Wasaaradda Qorsheynta iyo dadka Soomaaliyeedba.”
Wasiir Jamaal ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Asad Yuusuf Qanyare.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com