Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Cirro), Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyaha iyo xubnihii la socday oo loo gelbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada ayaa kula kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi.
General Cirro oo goobtaasi kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga Taliyaha ay qayb ka yihiin qorshaha xilligan lagu sugayo amniga degmadaasi, maadaama ay ka bilaabanayso Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
General Cirro ayaa intaasi ku daray inuu waajib ka saaran yahay xaqiijinta amniga doorashada, haddii ay Shabaabku isku dayayaan sida uu yiri inay carqaladeeyan doorashada.
Maalmaha ina soo aaddan ayaa lagu wadaa in Degmada Baraawe lagu doorto 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com