Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo gaaray Beledweyne (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo uu shalay gaaray Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Wafdiga Gudoomiyaha oo ka ambabaxay Garoonka Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha oo u mahadcelinayay dadkii ku soo dhaweeyay magaaladaasi ayaa yiri “Marka hore waxaan u mahadcelinayaa Labada Gole ee Dowlad Goboledka Hirshabelle, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha Ciidamada, Ururada Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan qaybaha kala duwan bulshada ee sida wanaagsan noo soo dhoweysay.”

Gudoomiyaha oo aan si rasmi ah u sheegin ujeedada uu u tegay magaaladaasi ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in muddada uu wafdigiisa ku sugan yahay ay kulamo la qaadan doonaan qaybaha bulshada iyo Madaxda Hirshabelle ee ku sugan magaaladaasi.

“Inta aan magaalada joogno waxaan kulamo la qaadan doonnaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee ku sugan Magaalada Beledweyne.” Ayuu Gudoomiyuhu ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com