Guudlaawe oo Beledweyne kula kulmay Saraakiisha Ciidamada (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maalintii 2aad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa maanta shir looga hadlayay amniga waxa uu la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga Hirshabelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliye-yaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Ddalka, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada ee Qaybta 27aad, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabelle, Taliska Qaybta Gobolka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Gorgor & Haramcad ee hawlgalada u joogga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom.

Dhinacyadan ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee amniga Gobolka Hiiraan, gaar ahaan tan Magaalada Beledweyne.

Qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha ayaa faray Saraakiisha Hay’adaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan Magaalada Beledweyne, oo ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka.”

Madaxweynaha oo aan la garanayn muddada uu jooggi doono magaalada ayaa waxaa lagu wadaa in sidoo kale uu kula kulmo waxgaradka reer Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com