Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, ka dib safar dhowr cisho qaatay oo uu ku soo joogay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa Sabtidii iyo Axaddii magaaladaasi kaga qaybgalay Shirka Hoggaamiye-yaasha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Addis Ababa waxa uu kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga, horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan-doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qaybgashay shir madaxeedka 35aad ee Mdowga Afrika, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Zambia Hakainde Hichilema iyo Ghana Nana Akufo-Addo, oo ay ka wada hadleen xoojinka iskaashiga kala dhaxeeya Somaliya iyo wax wada qabsiga dowladaha Qaaradda Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com