Mahad Salaad oo u diyaargaroobay inuu markale difaacdo #HOP147 (SAWIRRO)

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, maalin ka dib markii la muddeeyay xilliga la qabanayo doorashada kursiga uu ku fadhiyo, oo tirsigiisu yahay #HOP147.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa Sabtidii shaaciyay in doorashada kursigan ay 13-ka bishan ka qabsoomi doonto Magaalada Dhuusamareeb.

Mahad Salaad ayaa waxaa iminka kursigan kula tartamaya xubno uu ugu cadcad yahay Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), kaas oo doonaya inuu markan ka mid noqdo Baarlamaanka 11aad.

Loolanka loogu jiro kursigan ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama labadaasi nin ay kala taageerayaan Madaxtooyada Qaranka iyo Midowga Musharaxiinta.

Mahad Salaad oo maanta ka ambaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, farriinta uu dirayo ayaana ah inuu u diyaargaroobay in mar kale uu difaacdo kursiga uu ku fadhiyo.

Rag u ololeynaya Cali Yare ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka qaban-qaabinaya isu soo bax ay tahay in ninkaasi lagu soo dhaweeyo, maalinta uu ku soo wajahan yahay magaaladaasi.

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa mar uu labadan nin 16-kii bishii January uu kula kulmay Caasimadda Muqdisho waxa uu kula dardaarmay in si habsami leh oo furan u tartamaan, isla-markaana aanay ka tan badin xamaasadda haysa.

Suldaan Mahdi ayaa Dhacdo.com u sheegay in labadaasi nin iyo murashaxiinta kalaba uu ugu baaqay inaanan looga faa’iideysan siyaasadda iyo kursiga ka dhaxeeya, qofkii calaf u yeeshana lagula shaqeeyo si kalsooni iyo walaaltinimo leh, lagana fogaado iska horkeenidda dadka ehelka ah.

Si kastaba ha-ahaatee Warbaahinta ayaa fahamsan in Guddiga Doorashada Galmudug ay ka fogaan doonaan wax kasta oo muran-gelin kara in si daahfuran loogu tartamo kursigaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com