Rooble “Waa inaysan doorashada naga mashquulin gurmadka dadkeena”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culima’udiinka, Ururada Bulshada Rayidka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay, sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba isu kaashadaan, sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay, guud ahaa gobolada dalka.

“Way ka sii dareysaa xaaladda abaartu, haddii aan dadaalada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay u xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan.” Ayuu yiri Ra’iisl Wasaaruhu oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 milyan oo Soomaali ah.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dalal iyo hay’ado kala duwan oo uu kala hadlay, sidii gurmad degdeg loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu faraha ba’an ku hayso.

“Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmano dadkeena abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim u tahay in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka.” Ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah, si shacabka loo badbaadiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com