Wararkii ugu dambeeyay Guddiyada Doorashooyinka oo mushaar la’aan soo wajahday

Xilli Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka socoto Somaliya ayaa waxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal sheegayaan inaysan helin wax mushaaraad ah, saddexdii bilood ee ugu dambeysay.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa sheegay in mushaar la’aanta ay kala siman yihiin Guddiyada Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhaqaalihii loogu talagalay doorashooyinka aan loo helin, sidii la doonayay, sababo ku aaddan Beesha Caalamka oo shuruudo ku xirtay bixinta miisaaniyaddii doorashada.

“Guddiga miisaaniyaddii doorashada ee uu dejiyay waxay ahayd 26 milyan iyo jarjar oo dollar. 7 milyan oo horudhac ah Beesha Caalamka ayaa ku deeqday.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray “Miisaaniyadda doorashada 3 qaybood baa loo qaybiyay, qayb waxay ka imaaneysay lacagta diiwaangelinta ee musharaxiinta laga qaado, qayb ka imaaneysa Xukuumadda Federaalka iyo qaybta Beesha Caalamka.”

Afhayeenka oo BBC la hadlay ayaa yiri “Qaybtii horudhac ahayd ee uu ku deeqay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya waxaa lagu isticmaalay 4-tii bilood ay ku ekeyd bishii October, waxaana lagu maamulayay mushaaraadka guddiyada oo ka badan 120 xubnood. Qaybta ka imaaneysa xukuumadana waxaa lagu maamulayay amniga doorashada iyo shaqada goobaha ay ka dhaceyso.”

Axmed Safiina ayaa ku waramaya inaanay dhameystirnayn miisaaniyadda doorashada, haddana ay ku dadaalayaan in doorashada lagu soo geba-gabeeyo xilligii lagu heshiiyay.

“Runtii doorashada miisaaniyadeeda ma dhameystirna, caqabado miisaaniyadeedna way jiraan, laakiin waan dadaalaynaa Insha’Allah, inta ka dhimana doorashada lagu soo geba-gabeeyo, miisaaniyadana ay soo dhameystiranto, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Axmed Safiina.

Waxa kaloo uu yiri “Dhaqaalaha doorashadu lagu wado way socotaa oo waa tan xagga xukuumadda ka imaaneysa ee Ra’iisal Wasaaruhuna garwadeenka ka yahay, laakiin dhankii mushaaraadka guddiyada iyo hoteelada ay degan yihiin waxay ka imaaneysay UNSOM ama UNDP, waxayna mushaaraadkii ay qaateen ugu dambeysay bishii October, 3 bilood iyo bishan 4aad ee socotaba may soo bixin, shuruud bayna ku xireen Beesha Caalamka oo ah inaanu soo saarno Xildhibaanada (saddex meelood oo laba meel), in qoondadii haweenka la dhameystiro iyo in koontooyinka Treasury Single Account la isticmaalo, shuruud noocaas ah ayay ku xireen.”

Hadalka ka soo yeeray Guddiga Doorashooyinka ayaa ku soo aadaya, xilli Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu wado in la soo geba-gabeeyo 25-ka bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com