Emirate-ka Carabta oo deeq raashiin ku wareejiyay Dowladda Somaliya

Diyaarad siday gargaarkan ayaa maanta ka soo degatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo gargaarkan yahay mid loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Diyaaradan ayaa siday shixnad raashiin oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed, ee billihii la soo dhaafay abaarta ba’an ku haysay dalka.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Somaliya ayaa gargaarkan bani’aadanimo kala wareegtay Safiirka Emirate-ka Carabta u joogga dalka, Amb. Mohamed Ahmed Al-Othman.

Khadiijo Maxamed ayaa Dowladda Emirate-ka uga mahadcelisay taageerada walaaltinimada leh, ee ay u muujisay dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeedba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com